Ururada RAADO iyo CMD oo Tartan ciyaareed ka furay Rotterdam

Ururada RAADO iyo CMD  ayaa tartan kubada Cagta ah oo ay soo qaban qaabiyeen waxuu ka furmay Magaalada Rotterdam ee Wadanka Hollnad

Tartankaan  oo loogu talagalay bisha Ramadaan ayaa  socondoon ilaa Ciida, waxaana ka soo qeybgalay 8 kooxood oo ka kala socda qaar ka mida Magaalooyinka Wadanka Holland,iyadoo tartankaan loogu tala galay in dhalinyaradu ay is dhexgalaan isla markaana ay waqtiga xagaaga ee kulaylaha ay ciyaaraan

Ururka Center For Media and Dialogue iyo ururka RAADO ayaa si wada jira u soo aagasimay tartankaan waxaana  sidoo kale tartankaan Maamulaya Gudi Isboorti oo ka shaqeynaya  habsami u socodka Ciyaarahan.

Dadweynaha ku nool Magaalada Rotterdam iyo agagaareheeda ayaa  u soo daawasho taga Ciyaarahan,waxaana  Goroonka buux dhaafiya tageerayaal kala duwan oo ay wataan kooxaha  ciyaaraha Ramadaanka Ka qeyb galaya

Tartamadaan oo kale ayaa bisha ramadaan ka dhaca  Soomaaliya iyo waliba qaar ka mida wadamada Caalamka.

maslburop calan cmdb denhag fl

flar flar1 flar2 mas masl neder talo

Translate »