Center For Media And Dialogue oo Holland looga dhawaaqay

abayaafoomqada toddobaadkii hore waxaa Holland ku yimid casuumaad ay u fidisay Center for Media and Dialogue (CMD) Tifaftirihii hore ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, waxaanna xaflad ka dhacday Magaalada Rotterdam oo lagu daah-furayey ku dhawaaqista hay’adaas, ka soo qeybgalay Madaxda ururada Soomaalida ee Holland, suxufiyiin & qaar ka mid ah hormuudka Soomaalida ku dhaqan dalkaas.

Guddoomiyaha CMD Bile Gurxan oo ka hadlay ujeeddooyinka loo aasaasay hay’adaas wuxuu ku sheegay  baahida loo qabo hannaan bad qaba oo qeybaha bulshadu isku weydaarsan karaan aara’dooda, isaga oo xusay in iyada oo laga ambaqaadayo marxalada dalku marayo in ay furo waddo ay bulshadu ku wadahadli karto.

Intii uu socday kulanka waxaa hadalo soo dhoweyn & tallooyin isugu jira ka jeediyey shaqsiyaad matalayey qeybaha bulshadda, waxaanna dadkii madasha fikradooda ka dhiibtay ka mid ahaa Dr. Cali Waare,  Ruqiyo Caddow, Maxamed Cabdi (Afgooye), C/shakuur Cilmi, Garyaqaan Muuse Xersi, C/qaadir Nuune, Axmed Mukhtaar, C/kariin Xoogsade, Shamso Said, Zahra Naaleeye, Cali Yaxye & xubno kale.

Madaxa xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee dalalka Holland, Belgium & Zwitserland Cabdullaahi Maxamed Xuseen (Taajirow) oo ka mid ah madaxda hay’adda CMD  ayaa balanqaaday in howlaha mustaqbalka dhow ay qaban doonto hay’adda CMD ay ka mid tahay kor u qaadista & tayeynta aqoonta suxufiyiinta.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa kulanka ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay,  isaga oo la wadaagay ka soo qeybgalayaasha khibradiisa ku aadan dhanka saxaafadda, sidoo kale, Yuusuf wuxuu ka hadlay waxyaabihii uu dalka ku soo arkay markii uu Muqdîsho ku laabtay dhowr & labaatan sanno kaddib.

Yuusuf mar uu ka hadlayey waajibaadka suxufiga wuxuu  tilmaamay in saxaafaddu tahay masúuliyad culus, qofka masúuliyadaasi qaadanayana ay waajib ku tahay inuu faham buuxda ka haysto waajibaadkiisa.

“Suxufigu waa inuu isu arkaa masúul, howshiisu tahay in farriin ka timid dad kale uu ummadda gaarsiiyo, warka uu tebinayo sugnaantiisuna waa mid aad muhiim u ah” Ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar, isaga oo khibradiisa shaqo muddadii uu saxaafadda ku jiray la wadaagay dadka kulankaasi goob jooga ka ahaa.

Yuusuf Garaad ayaa la weydiiyey su’aalo la xiriira xaaladda siyaasadeed & tan amni ee dalka, isaga oo su’aalahaasi ka bixiyey jawaaboi taxadar ka muuqday.

Gabagabadii kulanka Hay’adda CMD & Dr. Cabdi Xaamud Axmed Aleel ayaa Yuusuf Garaad guddoonsiiyey abaalmarin gaar ah; sidoo kale dadkii abaalmarinta lagu guddoonsiiyey kulankaas waxaa ka mid ahaa Filimqaade Raage Cali dheere, oo la sheegay inuu yahay filim-qaadaha ugu wanaagsan sannadkii 2014.

 

IMG_3793IMG_3796IMG_3836 copyIMG_3784Screen Shot 2015-05-04 at 12.21.47 AMScreen Shot 2015-05-04 at 12.20.58 AMScreen Shot 2015-05-04 at 12.07.32 AMScreen Shot 2015-05-04 at 12.08.54 AM

 

Daawo Muuqaalka Xaflada Furitaanka

Translate »