CMD oo Kulan Muhiima u qabtay Jaaliyada Soomaalida Holland iyo Xeer ilaaliyaha Guud +Sawirro

Kulan ay soo qabanqabisay  Xarunta Warabaahinta iyo wada Hadalka oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyada Soomaalida ee degan wadanka Hollnad,islamarkaana warabixin looga dhagaysanayay Xeer ilaaliyha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali  Daahir  ,ayaa ka dhacday Hotelka Mercure ee Magaalada Denhaag ee Wadanka Holland.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa suáalo lagu waydiiyay Xeer Ilaaliyaha  Qaranka ka dib markii uu warbixin siiyay Jaaliyada,waxaana halkaas ugu horeyn Furay   Agaasimaha Center For Media and Dialogue (CMD) Bile Gurxan Axmed oo Jaaliyada Ku soo dhaweyey Goobta,waxuuna sheegay in CMD ay ay howsheeda tahay inay doodo iyo kulmo u qabato bulshada,

“Waxaan aad ugu faraxnsnahay in CMD ay Bulshadii daganeyd Holland ay u yeerto kadibna ay  suáalo waydiiyaan Xeer ilaaliyaha,waayo dadku waxay aad ugu baahnaayeen in wax ka ogaadaan Dacwada Badda ee shalay laga Gubiyay Dowlada Kenya” ayuu yiri Agaasimaha CMD.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyah Dalada ay ku mideysanyihiin Ururada Soomaalida ee Holland  FSN  Cali Awaare oo ugu horeyn u mahad celiyay CMD,isagoo xusay in loo bahanyahay in shacabka Soomaaliyeeday u istaagaan difaacida Badda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Dr Cali Saciid Faqi  oo isna Halkaas ka Hadlay ayaa SHeegay inay Soomaaliya Xaq u leedahay inay Difaacato Xaduudaheeda,loona bahanyahay in Shacabkuna ay taageeraan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr  Axmed Cali Daahir ayaa Suáalihii  ay waydiiyeen Jaaaliyada  uga jawaabay si wanaagan , waxuuna warbixin fiican uu ka dhiibay sida ay  arinta Badda Soomaliya iyo Kenya ay ku bilaabatay iyo sida ay aaqirkii shalay ay ku soo dhamaatay in Dacwad Laga Gudbiyo Dowlada Kenya,isagoona  aad ugu mahad Celiyay Hayáda CMD oo uu sheegay inay Holland Si weyn ugu Soo dhaweeyeen.

Xeriliyaha Guud ee Qaranka ayaa niyada u qaboojiyey dhamaan Soomaalida gaar ahaan ku wii uu la kulamay isagoona sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ku qabto arinkaan kalsooni buuxa ,oo ay ka guuleysaneyso Kenya isagoona hoosta ka xariiqay ay tahay tilabadaan mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Háyda CMD waxay Mar walba u taagantahay in la shaqeyso Bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan.

 

DSC_4267DSC_4268DSC_4270DSC_4265waaaaaaaDSC_4291DSC_4288

Translate »