Xarunta Saxaafada iyo wadahadalka ayaa qeyb ka qaadatay inay wadahadlaan labo beelood oo wada dega Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya,iyadoo Xaruntaan ay wax qabadkeedu ka mid yahay inay bulshada wada hadalsiiso si loo helo nabad iyo dowlad wanaag
Beesha reer xaaji salabaan ayaa maanta gogal nabadeed udhigtay beesha sade Deegaanka iidole waxaana halkaasi ay uga wada hadleen Arimo quseeya danaha labada belood, odayaasha dhaqanak beesha sade oo aad ugu faraxsanaa in ay sogaaraan deegaanka idoole oo uu ku duugan yahay ugaas Diini oo ah ugaaska beesha Sade
Qaarkamid ah odayaasha dhaqanka reer xaaji salbaan ayaa kawarbixyay in qabriga ugaaska uu mudo 300sano kahor ku aasanaa deeganka waxayna shegeen in ugaaska uu ula mid yahay mid kooda oo kale iyagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in owlaadiisa ay maantay soobooqadaan
dhanka kale odayaasha dhaqanka ee beesha sade ayaa aad usoodhaweyay sida wanaagsan ee walalahood u casumeen waxayna balan qadeen in ka shaqayan donaan nabada iyo isdhexgalka bulshada
Daawi Sawiraa Odayaasha Dhaqanka ee Labada Beelood