CONFERENCE ON THE ROLE OF MEDIA IN PEACE BUILDING AND SOMALI’s VISION 2016 WARSOW, POLAND -07 -10 SEPTEMBER 2015

Hayáda Center For Media and Dialogue ayaa ku dhawaaqday inay  shir looga hadlayo kaalinta ay  warabahinta  ka qaadan karto Nabada iyo qorshaha hiigsiga 2016 ku qaban doonto Magaalada Warsow ee Caasimada Wadanka Poland.
Gudoomiyaha Xarunta warbaahinta iyo wada hadalka Bile Gurxan Ahmed  ayaa saxaafada u sheegay in shirkaan uu 7 bisha September 2015 ka fur midoona Magaalada Warsow uuna socon Doono mudo  labo maalin ah.
C/qaadir Gabeyre Faarax oo ah Madaxa  Hayáda Foundation for Somalia  ayaa sheegay  in Hayádiisu ay maalgalinayso Qabsoomida Shirkaan oo uu sheegay in ay muuhim u yahay qorshaha nabada Soomaaliya.
Madaxda laba Hayádood oo mudo labo bari ah Shir uga socday Magaalada Rotterdam ee Wadanka Holland ayaa isla gartay qabashada Shirkaan oo  mid muhiim u ah qorshada hiigsiga 2016 ee Soomaaliya.
Shir weynahan ayaa la filaayo inay ka soo qeybgalaan in ka badan 50 qofood oo isugu jira Wariyaal,Agaasimayaal, Tafatirayaal,Miklkiilayaal Sawir qaadayaal iyo quburo Saxaafadeed   ,iyagoo ka kala Imaan doonaan  Wadamada Soomaaliya Kenya Maraykanka Canada Ingiriiska Sweden Holland Norway France Germany Italy Belgium Finlnad iyo Denmark.

https://www.youtube.com/watch?v=TFIO69_CvN0&feature=youtu.be

all all1 bile gabeyre fiyaad kiimki

Translate »