CMD oo Qabatay Dood ku sabsan Hiigsiga 2016+Video

Magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands, waxaa 6-dii bishan June lagu qabtay dood ku saabsan hiigsiga 2016 oo ay marti ku ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya wadamada Benilux iyo EU-da Dr. Ali Faqi iyo xildhibaan Abdurahman Hosh Jibril, horeyna u soo noqday wasiirka arrimaha destuurka iyo dib u heshiisiinta.

Doodan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Centre for Media and Dialogue and Horn Media and Communications Ltd, ayaa waxaa qeybinayey rug-cadaaga saxaafadeed Yusuf Garaad Omar, madaxii hore ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, iyadoo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mida madaxda ururada jaaliyadda Soomaalida ee Holland.

Ugu horeyn xildhibaan Abdi Hosh oo la weydiiyey bal inuu si kooban sharaxaad uga bixiyo macnaha iyo waxa loola jeedo Hiigsiga 2016, ayaa ka sheekeeyey geedi-socodka wada-hadaladii arrimaha siyaasada Soomaaliya iyo heerarkii uusoo maray iyo waliba qaabka uu ku yimid Hiigsiga 2016-ka.

“Hiigsiga 2016-ka waa nidaam la doonayo in Soomaaliya looga saaro dhibaatada siyaasadeed ee mudadad dheer haysatay, loona mudeeyey waqtiga la dhameystirayo destuurka cusub ee lagu maamulayo dowlad goboleedyada Federaalka , lana qabto doorasho xor ah,” ayuu yiri Abdi Hosh oo inay isaga u muuqato inaysan dhicin doorashooyinkaasi maadaama buu yiri ay jiraan caqabado badan oo dowlada hor yaalla, waqtiga loo qabtayna aanu ku filneyn.

 

Ambassador Dr.Ali Faqi ayaa isna dhinaciisa si kooban uga hadlay waxa uu kala socdo Hiigsiga 2016-ka iyo qaabka uu ku yimid iyo sida ay ula muuqato inuu ku guuleysan karo Hiigsan 2016-ka, iyadoo uu sheegay in loo baahan yahay is badael lagu sameeyo qaabka loo soo xuli doono baarlamaanka cusub ee imaan doona 2016-ka.

“Sida aan qabo, inkastoo ay jiraan dufuufo badan, haddana 2016 way dhacaysaa doorasho. Haddii dadku doonayaan inay wax qabtaan, way qaban karaan, waxaana muhiim ah in marka hore isku firkad laga noqdo qaabka Soomaaliya ay dhibaatada uga bixi karto, loona gaari garo dowladnimo waarta.” Ayuu yiri Dr. Ali Faqi. “Waxaan kaloo qabaa fikraa ah in loo baahan yahay in aqoon iyo tacliin lagu soo xulo xubnaha ka mid noqon doona baarlamaanka cusub ee imaanaya 2016-ka.”

Yusuf Garaad ayaa weydiiyey xildhibaan Abdi Hosh su’aal ku saabsaneyd bal waxa ka jira hadal aheyn ah in baarlamaanka cusub ee imaan doona uu ka koobnaan doono baarlamaanada dowlada-goboleedyada, haddii ay taasi dhacdana ma noqon kartaa xaq?

Abi Hosh waxa uu ku jawaabay in arrintaasi ay suuqa ku jirto laakiin aysan macquul aheyn inay dhacdo, maadaama buu yiri aysan waafaqeynin qaabka wax loo doonayo in sida ku cad destuurka Federalism-ka.

Mar wax laga weydiiyey Abdi Hosh bal waxa dowlada Somalia ka yeelayo arrinta Somaliland, waxa uu sheegay inuu dowlada ku dhaliilayo hanaanka loo wajahayo wahadalka Somaliland lala  furay, isagoo sheegay in dowlada dadka ay u saartay wadahadalkaasi ay yihiin kuwa aan ku habooneeyn, iyadoo dhinaca Somaliland uu cadeeyey inuu qalad ka jiro.

Sidoo kale waxaa si weyn looga dooday arrinta 4.5-ka oo labada dhinaca ee dooda ay dhaliileen nidaamkaasi inuu yahay cadaalada daro iyo godob laga galay beelaha qaar ee Soomaaliyeed.hiigsiga cmd

Translate »