Ururada RAADO iyo CMD ayaa tartan kubada Cagta ah oo ay soo qaban qaabiyeen waxuu ka furmay Magaalada Rotterdam ee Wadanka Hollnad
Tartankaan oo loogu talagalay bisha Ramadaan ayaa socondoon ilaa Ciida, waxaana ka soo qeybgalay 8 kooxood oo ka kala socda qaar ka mida Magaalooyinka Wadanka Holland,iyadoo tartankaan loogu tala galay in dhalinyaradu ay is dhexgalaan isla markaana ay waqtiga xagaaga ee kulaylaha ay ciyaaraan
Ururka Center For Media and Dialogue iyo ururka RAADO ayaa si wada jira u soo aagasimay tartankaan waxaana sidoo kale tartankaan Maamulaya Gudi Isboorti oo ka shaqeynaya habsami u socodka Ciyaarahan.
Dadweynaha ku nool Magaalada Rotterdam iyo agagaareheeda ayaa u soo daawasho taga Ciyaarahan,waxaana Goroonka buux dhaafiya tageerayaal kala duwan oo ay wataan kooxaha ciyaaraha Ramadaanka Ka qeyb galaya
Tartamadaan oo kale ayaa bisha ramadaan ka dhaca Soomaaliya iyo waliba qaar ka mida wadamada Caalamka.