Tabarka ka hortaga cunsuriyada & ka hortaga Cunsuriyadda oo ka dhacay Magaaladda Batuumi ee wadanka Joorjiya[Georgia]

Tababar looga hortagaayo cunsuriyada ayaa lagu qabtay magaalada Batuumi ee wadanka Joorjiya oo horay uga tirsanaan jirtay Midowgii Sofiyeeti ee burburay hadana ah wadan madax banaan ayaa tababar ay ka soo qaybgaleen dhalinayaro ka kala socoto sideed wadan ay ku kulmeen halkaasna ay isku dhaafsadeen fikradahooda la xiriira cunsuriyada iyo saamaynta ay ku leedahay bulshada horumarkeeda iyo geedi socodka nolosha guud.

Shirkaan ayaa dhalinyarada uga wada munaaqishoodeen fikradaha ay ka qabeen iyo sida bulsho kasta ay saameeyn ugu yeelatay in qaybo ka mid ah bulshada la cunsuriyeeyo lana takooro

Shirkaan ayaa la qabtay inta u dhaxaysay 20 illaa 29 Maarso 2022, shirkana wuxuu u dhacay si jawi wanaagsan ah oo ku dhamaaday is afgarad iyo guul, laguna heshiiyey in dhalinyarada sideed wadamood ka koobnaa midwalba uu gaarsiiyo faafiyo sidii looga hortagi lahaa cunsuriyada nooc walba oo ay leedahay dhamaanteed.

Joorjiya [Georgia]

Waa wadan ku yaal buuraleeyda Kooska la isku yiraa waxaana ku xeeran wadamo ay ka mid yihiin Ruushka, Armeeniiya, Turkiga iyo badda madoow, Tabaliisi waa magaalo madaxda dadka intiisa badana ay ku noolyihiin, 3.7 malyuun waaye tirdada wadanka Joorjiya.

Tabarlkaan  oo bilaawday 20kii bishii maarso  ayaa waxaa la soo gaban gabeeyey 29 Maarso ee sanadkaan   iyadoo dhaqaalaha ku baxaayey tabarkaan ay bixisay Hay,adda caalamiga ah ee Erasmusplus .iyadoona  uu barnaamjikaan inuu suuragalo qeyb libaax leh ay ka qaadatay Hay,adda milleniumgeorgia.

Xiriir la leh qormadaaan

Jeerjiya [Georgia] Daawo Youtube

Batumi Georgia Fiirso/Daawo Youtube

Translate »